Garsooraha Afrika Ka Soo Jeeda Ee Janny Sikazwe Oo Ceebtii Ugu Waynayd Ka Sameeyay Kulankii Finalkii Koobka Kooxaha Aduunka Ee Ay Real Madrid Ku Guulaystay

Ciyaaro Wararka 175

xilsaartay in uu dhex dhexaadiyo finalkii koobka kooxaha aduunka ee Club World Cupka ee Japan ku dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Kashima. Guud ahaan shaqada uu qabtay Janny Sikazwe ayaa ahayd mid fiican basle waxa sumcadiisii dhulka jiiday hal go’aan oo uu si aduunku la yaabay u sameeyay dhamaadkii waqtigii rasmiga ahaa ee finalkii Club World Cupka.

Kooxda Kashima ayaa samaysay waxaan laga filayn waxayna ka soo kabsatay gool uu Karim Benzema dhaliyay bilawgii kulankan laakiin laba gool oo uu dhaliyay Gaku Shibasaki ayaa Kashima ka caawiyay in ay markeeda hogaanka ciyaarta la wareegto ka hor intii aanu Ronaldo gool rekoodhe ah ku dhaliyay goolka ay markale Real Madrid ciyaarta dib ugu soo laabtay.

DAQIIQADII 88 aaduunka ayaa ka yaabay garsooraha kulankan hayay ee Janny Sikazwe waxaana qalad uu kaadhka digniinta ah ee labaad ku qaadan lahaa galay Sergio Ramos, garsooraha ayaa marka h–e isku jeebkiisa sare gaacanta galiyay wuxuuna soo saarayay  kaadhka digniinta ah balse waxa uu ogaaday in Ramos uu h–e uhaystay kaadhka digniinta ah oo kaadhka labaad uu casaan u keenayo wuxuuna si lama filaan ay  iska daystay kaadhkii uu soo sarayay.

Sergio Ramos oo sii go’aansaday in uu soo dhamaaday waqtigii uu ciyaarta ku lahaa ayaa farxad wayn dareemay markii waayay kaadhkii labaad ee uu sugayay waxayna ahayd qalad waali ah oo uu sameeyay garsooraha qaarada Afrika gaar ahaan wadanka Zambia ka soo jeeda ee Janny Sikazwe.

Halkan Ka Daawo:

 

 
error: Content is protected !!