Shacab saarnaa gaari Homey ah oo lagu xasuuqay gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka 51

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dad shacab ah oo saarnaa gaadi dadweyne “BL” lagu dilay duleedka degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Ku dhawaad lix ruux  oo saarnaa gaari dadweyne ayaa lagu dilay duleedka degmada Qoryooleey kadib markii lagu dhiftay gaariga ay saarnaayeen qoriga Baazuukaha loo yaqaan.

Lixdaan ruux oo saarnaa gaari Homey ah ayaa ka ambabaxay Degmada Qoryooley ,waxaana gaariga uu  Khudaar u siday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka gaariga ku dhintay ay ka koobnaayeen seddex rag iyo seddex dumar ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Qoryooley, waxaana la ogeyn cidda ka dambeysay xasuuqa shacabkaasi loo geystay.

Al-shabaab iyo AMISOM ayaa midba midka kale ku eedeeyay masuuliyada dilka shacabka gaariga Homey-da saarnaa.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah gobolada dhibaatada ugu daran loogu geysto dadka shacabka ah.

Xigasho Jowhar

 
error: Content is protected !!