10-kii Hogaamiye Ee Ugu Saamaynta Badnaa Sannadkan Sii Dhammaanaya Ee 2016 Dalalka Carabta Iyo Boqor Salmaan Oo Hogaaminaya

Dhacdooyinka Wararka 127

Shabakadda wararka caalamiga ah ee dalka Ruushka RT ayaa soo saartay natiijada ra’yi qaadis muddo dhawr bilood ah socotay oo lagu ogaanayay 10-kii hogaamiye ee ugu saamaynta badnaa shucuubta iyo dalalka Carabta sannadkan 2016 ee labada wiig innaga xiggaan dhammaadkiisa.

Ra’yi qaadistan ay warbaahinta Russian Today samaysay oo lagu gaadhay in ka badan 6 Milyan oo qof oo adduunka ku kala nool oo wax laga waydiiyey aragtidooda la xidhiidha bal cidda ay u codayn lahaayeen siyaasiga ama hogaamiyaha Carbeed ee ugu saamaynta badnaa sannadkaasi dhinacyada nolosha, siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan ay nolosha dadka carbeed hogaamintiisu saamaysay ayaa ku jawaabay oo sheegay 10-kii ugu saamaynta badnaa oo uu kaalinta koowaad kaga jiro Boqorka Dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis Aala Sacuud oo heley codadkii la dhiibtay 33.4%, halka wiilka dhaxal sugaha labaad ee Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdul Casiis uu ka noqday kaalinta 2aad iyo 31% oo dhibcood.

Muqtada Al-Sadar oo ah hogaamiyaha shiicada tayaarka Al Sadar ee dalka Ciraaq Muqtada Al Sadar ayaa isna kaalinta 3aad kaga jira 10-ka qof ee ugu saamaynta badan carabta iyada oo boqorka dalka Urdun Boqor Cabdallaha Labaad ka soo galayo kaalinta Afraad.

10-Ka Hogaamiye Ee Ugu Saamaynta Badan Dalalka Carbeed:

  1. Salmaan Bin Cabdul Casiis – Boqorka Sucuudiga – 33.4%
  2. Maxamed Bin Salmaan , Dhaxal sugaha labaad ee Sucuudiga – 31.3%
  3. Muq-tada Al Sadar – Hogaamiyaha Shiicada Ciraaq – 13.2%
  4. Cabdalla Al Thani – Boqorka Urdun – 8.6%
  5. Maxamedka Lixaad – Boqorka Morocco – 3.4%
  6. Bashar Al Asad – Madaxweynaha Suuriya – 1.8%
  7. Maxamed Bin Zayed Al Nahyan – dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dabay – 1.5%
  8. Sh. Xasan Nasrallah – Hogaamiyaha Xizbullah Lubnaan – 1.5%
  9. Cabdifataax Al-Siisi – Madaxweynaha Masar – 1.2%
  10. Tamim Bin Maxamed Al Thani- Amiirka Qatar – 1.1%

Qiimayntan ayay raggan masuuliyiinta ahi ku soo galayaan saamaynta ay ku leeyihiin dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, Hogaaminta Carabta, dhinaca Milatariga, doorkii waxqabad ama qaabka uu dalkiisu saamaynta ugu leeyahay siyaasadda carabta ee uu isna saamaynta ugu leeyahay dalkiisa. Waxa xusid mudan in qiimayntan ay ka muuqato in Sucuudigu saamayn weyn ku leeyahay arrimaha Carabta iyo guud ahaan kuwa Islaamkaba.

 
error: Content is protected !!