70 Milyan Oo Shacabka Dalka Maraykanka Ahi Waxa Ay Ka Cabanayaan Hurdo Yaraan Iyo Diiqad Nafsi Ah

Arrimaha Bulshada Dhacdooyinka Wararka 129

Wadanka Maraykanka ee adduunka ugu dhaqaalaha iyo awoodda badan waxa ay shacabkiisu ku jiraan xaalado aad u adag iyada oo sannad walba daraasadaha la baahiyo lagu sheego in celcelis ahaan dadka is dila ee Maraykanku aad u korodho sannad walba kuwaasi oo diiqa iyo xaalado nafsaani ah isku dila. Waxa hadana mar kale dhibaato ka taagan tahay dalkaasi kadib markii la ogaaday in celcelis ahaan 70 Milyan oo Maraykan ahi la il daran yihiin huro fiican oo aanay seexan. Hurdada ka yar toddoba saacadood waxa ay qofka ku kalifaysaa in uu cuno, cunto ka badan intii uu cuni lahaa. Waxa la ogaaday in dadka hore u seexdaaa ay ka cunto yar yihiin kuwa soo jeedka badsada sidda ay warbixinta ku sheegeen ururka qaabilsan hurdadda ee   magaciisa la yidhaa (National Sleep Foundation). Waxa wanaagasan ayay leeyihiin dadka qaan gaadhka ah in ay seexadaan 9  saacdood illaa 7 saaccadood oo hurdo ah habeenkii.

Qofku haddii u helo hurdo ku filan habeenkiii waxa  uu awood u yeelanayaa in difaaca jidhkiisu in uu sarreeyo, taasoo qofka ka dhigaysa mid cudurada u adkaysan kara balse hurdo wacan haddii aanu seexan waxa uu u nuglaanayaa cuduro badan. 70 milyan oo ah dadka Maraykanka ahi waxay ka cabanayaan hurdo yari taas oo caafimaad darro guud dadka ku keentay. Hadii aanu qofku helin hurdo ku filan  waxaa soo food saaray dhibaato kaga imanaysa xagga hab nololeedkiisa gaarka ah isaga oo aan helayn fursad uu ku soo ceshado firfircooni uu ku shaqo tagi karo. Illaa imika waxa la ogaaday in hurdo la’aanta Maraykanku ka cabanayaa ay ka mid tahay dadka oo ka tagay noloshii caadiga ahayd iyo ruuxdooda ay daryeelaan.

 

 
error: Content is protected !!