Ciyaaryahan Caan Ah Oo Sheegay In Aannu Khamriga Cabin, Goobaha Lagu Caweeyana Tagin Oo Uu Salaad Xafid Yahay Ku Dhaqanka Diinta Islaamkuna U Tahay Ta Koowaad

Ciyaaro Wararka 176

Waa wax caadi ah inaan lagu sheegin inuu khamriga cabo, xitaa ma taabto, laguma sawiro gudaha magaalooyinka isagoo caweynaya, wuxuuna sheegay inuu dukada shanta salaad (Waliba xiligooda), wuxuu qirtay in ixtiraamka dadka kale uu waajib ku yahay, waxa ugu weyn ee uu noloshiisa ku lamaaneeyo ay tahay diinta rabigeen nagu maneystay ee Islaamka.

Saido Mane, waa xidiga ugu qaalisan qaarada Afrika, waana mid kamid ah xidigaha ugu mushaarka badan, mid kamid ah garbaha ugu fiican Premier league, wuxuu si buuxdo u xushmeeyaa dhamaan dadka ka shaqeeya xerada tababarka kooxdiisa iyagoo sheegay inuu yahay nin “Aamusan, cibaado badan oo aan dadka laban”.

Hadaba waa maxaya furaha guusha ee Saido Mane ? Isagoo su’aashaasi ka jawabayay wuxuu yiri “Diinta islaamka iyo awaamiirta ilaahey oo aan raaco”.

“Waxaan ku dhashay tuulo yar oo la dhaho Bambali oo ku taala wabiga Casamance koonfurtiisa, qoyskeyga waa muslimiin, diinta si aad ah ugu dhagan, dalkena boqolkiiba 90 waa muslimiin, laakin qoskeyga aad ayaan ugu dhaganahay diinta islaamka”.

”Boqolkiiba 10 malaha waa Christian laakin ixtiraam ayaan isku heynaa dhamaan, saaxiibkeyga ugu fiican waa Luke, waana Christian waxaana marwaliba adi jirnay mid kasta gurigiisa, waxaan wada ciyaari jirnay kubada, waxaa la ii soo barbaariyay si saxan, waxaan ku faanayaa barbaarinta wanaagsan ee ay ii sameeyeen waalidkey, waxayna i gaarsiiyeen heer aan gaaro xirfadle kubada cagta ah, waalidkey wali waxya ku nool yihiin halkii aan ku dhashay laakin waxan guri ku leeyahay Dakar sidaasi darteed, marka ay rabaan iney halkaas aadaan wey aadaan, waa gurigoodii, iyaga ayaan u noolahay”.

The 24-year-old became the world's most expensive African footballer in the summer

“Waxa aadka ii dhiirogeliyo ayaa ah inaan marwaliba nafteyda ku riixo 9naan heer gaaro, waxaan doonayaa inaan gobolkeygii wax u celiyo, waxaan la hadlaa dadkeyga Senegal. wali wan yarahay waqtina waan heystaa laakin dhawaan waxaan u sameyn doonaa wax weyn”.

Saido Mane ayaa la hadlayay Daily Mail ka hor kulankooda caawa ee uu ka hor imaanaya macalinkiisii h–e ee Ronald Keoman kaasoo haatan maamula kooxda Everton.

 
error: Content is protected !!