Daawo Sawirrada: Warqad Uu Hore Feedhyahan Maxamed Cali Kalay U Diray Halgamaagii Nelson Mandela Oo Imika Lagu Kala Iibsaday Kumannaan Kun Oo Dololar

Dhacdooyinka Wararka 100

Warqad Tacsi ah uu Maxamaed Cali Kalaay Feedhyahankii Caanka ahaa u diray Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela sannadkii 1993-dii ayaa lagu iibsaday lacag badan, kadib markii qaab xaraash ah Suuqa loo keenay Warqaddaasi.

Sida ay Warbaahinta Caalamka Baahiyeen Warqadan uu qoray Maxamed Cali Kalay ayaa ahayd in uu wakhtigaasi Feedhyahan Maxamed uu Nelson Mandela uga tacsiyeenayay dilkii loo geestay sannadkii 1993-dii Chris Hani oo kamid ahaa dadkii usoo dagaalamay xorriyadda South Afrika.

Warqaddan oo leh saxeexa Maxamed Cali Kalaay ayaa lagu iibsaday lacag gaadheysa £7,200 oo Ginida Ingiriiska ah, waxaanay sheegeen Henry Aldridge iyo Son oo iibiyay warqaddan in ay filayeen in gudaha Mareykanka looga iibsado Warqaddan lacag u dhaxeysa £6,000 illaa £8,000 oo pound.

Maxamed Cali Kalaay oo ahaa nin Muslim ah oo aan gabban jirin ayaa booqday dalka South Africa sannadkii 1993-kii kahor inta aanay dadka Madowga ahi la wareegin talada dalkaasi, waxaana uu aad uga soo horjeeday Gumeysiga dadka Madow lagu hayay.

_93009254_mediaitem93009252

_93009260_mediaitem93009259

Muuqaalka Ninka Chris Hani ee dhimashadiisa uu Maxamed cali ka tacsiyeeyey nelson mandella

 

 
error: Content is protected !!