Daawo Sawirro Naxtin Badan oo laga soo qaaday Dadkii Ciidamada AMISOM ku laayeen Dalka Soomaaliya Oo Maydadkoodu Sida Xaabada U Gubteen!!

Wararka 112

Ciidamada AMISOM ee ka hawllgallada gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Qoryooley ee dawladda Soomaaliya ayaa laayay Habeen hore dad shacab ah oo saarnaa gaadhi caasi ah, kadib markii gaadhigaasi ay ku dhufteen qorayga loo yaqaan Baasuukaha.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa in Ciidamada AMISOM ay ka dambeeyeen dad shacab ah oo lagu laayay Duleedka Degmada Qoryooley, waxaanu tilmaamay in AMISOM gaadhigaasi ku dhufteen Qoriga loo yaqaan Baasuukaha.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaan wali si rasmi ah uga hadlin dhacdadan ay ku laayeen dadka shacabka ah , waxaana gaariga ay gubeen Ciidamada AMISOM xiliga ay Baasuukaha ku dhufanyeen uu marayya duleedka Degmada Qoryooley, waxa uuna waday Qudaar.

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale dad isku qoys ah waxa uu ku laayeen duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii ay jiirsiiyeen mid kamid ah gaadiidkooda dagaal qoys gurigooda ku dhax jiray.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan ka hadlin tacadiyadan ay ciidamada AMISOM u geesteen dadka Soomaaliyeed ee dowladu matasho, mana ahan markii ugu horeesay ay AMISOM ay si bareer ah u dilaan dad shacab ah.

Fiiro Gaar ah: Sawiro badan oo waxaa jira oonan soo bandhigi kari sababo laxariira in aysan dadku dawaan karin owgeed





 
error: Content is protected !!