“Haddii Aannu Ka Cag Horraynay May Ahayn In Ay Buuq Dhaliyaane Waxa Ay Ahayd Inay Nagu Hambalyeeyaan, Dhibkii Dalkeenna Yaallay Ayaannu Dunida Hor Gaynay” Hogaamiye Xirsi

Wararka 85

Hogaamiye Xirsi Oo Si Mugle U Faahfaahiyey Nuxurka Shirarkii Ay Beesha Caalamka La Soo Yeesheen

Hargeysa (TUS)- Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si mug leh uga hadlay ujeedada safarkii ay masuuliyiin culus oo isagu ka mid ahaa oo xisbiga WADDANI ahi ku tageen waddanka Kenya oo ay xukuumaddu ka hinaastay kaasi oo uu ku tilmaamay safar guul qaranka ugu soo dhammaaday ahaana masuuliyad waajib ah oo ka saarnayd in ay dalkooda baahidiisa dibadda geeyaan oo ay adduunweynaha u soo ban dhigaan cid kasta oo ay u arkaan in ay wax kala qaban karto somaliland na u soo ban dhigaan. Hogaamiye Xirsi oo saxaafadda la hadlayay markii waftiga WADDANI shalay dalka ku soo laabteen ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in ay xukuumaddii iyo xisbigaadii ku hambalyeyn lahaa ay kala masuugeen dadaalkaasi ay qarankan u soo galeen oo uu ku tilaamay masuuliyad qaranimo oo cid walba saran oo ay ahayd in ay xukuumaddu ugu mahad naqdo.

Hogaamiye Xirsi oo arrimahaa faahfaahinayaa waxa uu yidhi: “Waftigu waxa uu u baxay safar shaqo oo aannu ugu baxnay dalka Kenya oo aanu kula soo kulannay safaarado badan iyo hay’ado badan oo dunida ka caan ah oo muhiim ah waana xil xukuumadda saran, waa xil xisbiyada iyo hogaamiyayaasha siyaasadda saaran, waa mid saran muwaadiniinta. Waxa loo baahnaa runtii xillaa in qof waliba guto inta uu ka gudan karo haddii ay tahay baahiyaha iyo duruufaha jira ee dadkeena iyo dalkeena haysta iyo haddii ay tahay qaddiyaddeena iyo haddii ay tahay guud ahaan dhibaatooyinka qarankeena la soo darsa sida abaaraha iyo dhibaatooyinka kale iyo duruufaha adag ee inna soo dersa. Waa kuwa loo midoobo, waa kuwa qof waliba waxa uu ka qaban karayo ka qabto”.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Qofkii wax ka qabta waxaan arki jiray waa la isku mahadiyaa sidaasi ayay ahaan jirtay in qofka wax wanaagsan soo qabta loo mahad naqo oo lagu bogaadiyo. Side ayaynu wax u wada qabanaa oo ugu wada midownaa ayay ahayd. Annagu haddii aannu soo aragnay dhibaato jirta oo aannu cagahayaga ku tagtay maaha dhib nalooga warramaye waa wax aannu soo taabanay Illaa Ceerigaabi oo waydinkii arkayay waanu soo aragnay intii awooddayada ahayd baanu qaybinay intii aanu dadka ugu baaqnay ee aannu dalka ugu baaqnay ayaanu dibadda ugu baaqnay haddana dunidii baanu u tagnay. Xaq baannu u leenahay oo xaq muwaadin baannu u leenahay, mid masuuliyadeed baannu u leenahay, mid masuuliyiin qaran ahaan baanu u leenahay oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii Baarlamanku, mid masuuliyiin xisbi baanu u leenahay. Waa waajib dastuuri ah oo muwaadin kasta saaran. Waa waajib islaami ah oo qof kasta oo muslim ah oo dadkiisa dhibtiisa arkaya saaran weeyi. Dhibka noocaasi ahi marka uu yimaaddo waxa ay ahayd dadku wuu tashadaa wuu isu yimaaddaa taladana markaa ciddii gacanta ku haysa ee loo ogmaday ee masuuliyadda qaranka haysa baa isugu yeedha. Haddii cidi ka gaabiso taa ciddii kale ee wax qabata ayay ahayd in loo yeedho oo la yidhaahdo waaryaadhaheen maxaad soo aragteen oo idiin soo qabsoomay iyo halkaynu wax ka qabanaa. Laakiin wixii kale ee buuq iyo hadal ah ee la sameeyaa waa wax aan ku haboonayn. Waa wax aan dalka ku habboonayn waana wax aan dhibaatada dalka taalla ka jawaabayn. Waa wax aan maanta loo baahnayn”.

Ugu dambayn Hogaamiye Xirsi waxa uu yidhi: “Siyaasigu waa adeege bulsho waana mid ay tahay in uu dadkiisa la damqado oo dhibta haysa la dareemo. Waa lala gurmadaa oo lala damqadaa. Haddii aannu ka tallaabo horraynay may ahayn in ay u hadlaan oo u dhigaan sidii ay u hadlayeen. Waxa ay ahayd in ay yidhaahdaan waar wixii aad soo qabateen annana waannu qabanaynaa aannu isugu nimaadno. Xisbiyadu way ku kala duwanaadaan siyaasadda arrimaha dibadda. Xisbiba si ayuu u dhigi karaa laakiin wixii qaran laguma kala duwanaado. Ka jawaabista iyo u dhaqdhaqaaqa baahida qaranka laguma kala duwanaado. Wixii dadkaagu u baahan yahay in loo qabto laguma kala duwanaado. Ta noocasi ah ayaanu u baxnay taasaanu ka jawaabaynay. Taasaanu wax badan kasoo qabanay. Safaaradda sucuudiga ayaanu la kulanay oo aannu kala hadlay dhibta jirta ee abaaraha in ay dhib kale noogu sii darsantay xoolaha ay joojiyeen oo ah halkii dhaqaalaheena laf-dhabarta u ahayd. Sidoo kale waxaannu kala hadlay abaarta jirta in ay wax nagala qabtaan. Haddii ay tahay dawladda Maraykanka, haddii ay tahay ta ingiriiska, haddii ay tahay dawladaha Midawga Yurub, Jarmalka, Denmark, France, haddii ay tahay IGAD, dhammaantood waxaanu kala hadlaynay dhibaatada jirta iyo duruuftu inta ay le’eg tahay. Waxa uu ahaa cod is barbar taagayay haddii xukuumaddu hore u dirtay iyo haddii ay imika diraysaba cod is barbar taagayay buu ahaa. Cod shacabkiisa u hadlayay buu ahaa cod dhibaatadii taallay ka damqanayay buu ahaa” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Hogaamiyaha xisbiga WADDANI.

 

 

 
error: Content is protected !!