Masar Oo Diidday In Uu Dalkeeda Soo Galo Wiil Uu Dhalay Usaama Bin Ladin Iyo Dalka Ay Isu Dhaafisay

Dhacdooyinka Wararka 121

Masuuliyiinta dawladda Masar ayaa diiday in ay dalkooda u ogolaadaan wiil ka mid ah ubadka uu ka tagay Guddoomiyihii shabakadda Al Qaacida Sheekh Cusaama Bin Ladin kaasi oo ay markii dambe isu dhaafiyeen waddanka Turkiga oo isagu ogolaaday in uu wiilkaasi si nabad ag isaga noolaan karo kuna shaqaysan karo.

Sida ay warbaahintu ku warramayso, Cumar Bin Cusaama Bin Ladin ayaa caasimadda waddanka Masar ee Qaahira ku soo gaadhay isaga oo la socda diyaaradda nooceedu yahay Air Egypty oo laga leeyahay dalka Masar oo uu ka soo raacay waddanka Qatar oo uu deganaa wiilkan yari.

Masuuliyiinta Madaarka Qaahira ayaa diiday in Cumar Bin Cusaama Bin Laden aanay u ogolaan karin in uu Madaarka dhaafo maadaama ay raacayaan qaanuun dalkaasi u yaalla wakhtigan oo ay ku qoran yihiin magacyo dad badan oo aan loo ogolayn in ay dalka Masar soo galaan oo uu ka mid yahay Cusaama Bin Laden iyo qoyskiisuba sidaa darteed wiilkii ay dib u celiyeen sidaana uu ugu gudbay dalka Turkiga.

muddo hore oo ku beegnayd 2007 illaa 2008 ayaa la sheegay in uu mar wiilkan dhallinyarada ah ee Cumar iyo xaaskiisa oo u dhalatay waddanka Ingiriisku ay ku noolaayeen Masar balse wixii intaasi ka dambeeyey waxa ay ku noolaayeen caasimada Qatar ee Doha.

Cumar ayaa ah wiilka afraad wiilasha uu dhalay Cusaama Bin Laden oo ahaa hogaamiyihii hore ee Alqaacida oo ay Maraykanku dalka Pakistan ku dileen sannadkii 2011.

 
error: Content is protected !!