Muj. Cali Guray Oo Iftiimiyay Inaanu Jirin Xisbi Mucaarid Oo Isbaddel Keeni Karaa Laakiin Uu Dalku U Baahan Yahay Hoggaan Adag Kaasina Uu Ku Tilmaamay Muuse Biixi Cabdi

Wararka 60

“Aniga Ayaa Gidaar Walba Soo Taabtay, Isbadelka Ay Umaddani U Baahan Tahay Waa Hogaan Adag, Kaana Waxaynu Haynaa Muuse”

Hargeysa (TUS) – Gudoomiye ku Xigeenkii saddexaad ee hore ee Xisbiga UCID Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo shalay iska Xaadiriyay shir Weynihii dhalinyarada Xisbiga KULMIYE ee Heer Qaran oo ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inuu si buuxda u taageersan yahay Musharaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,Waxa uu sheegay in dhinac kasta oo uu eegay uu ka fursan waayay inuu gacan ka gaysto in hogaanka dalka loo dhiibo Muj Muuse Biixi Cabdi,Isagoo carabka ku dhuftay in isbadelka umaddani u baahan tahay uu ku jiro in Muuse Hogaanka dalka loo dhiibo isagoo ku Majiirtay  hogaamin adag.

Muj Cali Guray oo ay u sara kaceen Boqolaal dhalinyaro ah oo shirkaasi shalay ku sugnayd markii uu soo galay Hoolkii uu shirku ka socday ayaa si laayableh u faah faahiyay sababta uu Kulmiye dib ugu soo noqday maadaama oo uu mudo badan ka maqnaa waxaana uu yidhi “Kulmiye Waxa iskugu kaaya dambaysay Todoba Sanadood ka hor anaga oo isbadel doon ah,Isbadelkiina Barigaa Waan saluugay,Waanigii ka baxay,Todobada sanadood oo kale ayaan Wali Raadkiisii ku jiifay,Sidaan uwaday,Haddana Kulmiye ayuu ila soo galay,Waxaan idiin sheegayaa,Waan soo arkay Wax faro badan,Runtii Isbadelka aynu u baahanahay,Xisbi Mucaarid ah oo maanta keeni karaa majiro,Anigaa gidaar walba soo taabtay,Isbadelka ay umadani u baahan tahay Waxa keeni kara,Waxaynu u baahanahay Hogaan adag,Hogaan adagna waxaynu haynaa Muuse Biixii Cabdi”

Muj Cali Guray oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu tilmamay in Madaxweynaha badelaya Siilaanyo Hogaanka dalka qabanayaa uu yahay Muj Muuse Biixi ,Isagoo ku majiirtay in Muuse Biixi dalka iyo dadku u baahan yahay oo yahay Hogaamiye adag oo dalka hagi kari oo himiladda ay umaddani leedahay gaadhsiiin kara waxaana uu yidhi “,Waxaynu u baahanah hogaan adag,hogaan adagna waynu haynaa oo waa Muuse Biixi,taasi ayaana sabab u ah inaan KULMIYE  mar kale taageero,Oo aan Musharaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Taageero,Insha Alaahu Tacaalaa Madaxweynaha Ku Xiga Siilaanyo Wuxuu noqonayaa Muuse Biixi Cabdi”.

Muj Cali Guray ayaa ka farxiyay Taageerayaal badan oo reer Kulmiye ah oo ku sugnayd Shirkaasi,Kuwaasi oo mar qudha isla Oogsaday sacab iyo qaylo ay ku soo dhaweeyeen weedhaha wax tarka leh ee uu ku ganay Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi oo uu hore u dhaliili jiray.

 

 
error: Content is protected !!