Real Madrid Oo Barcelona Ku Garaacday Rikoorka Koobabka Caalamiga Ah Ee Ka Baxsan Spain, Immisa Koob Ayey Kala Heystaan?

Ciyaaro 96

Kadib markii ay shalayto [Axad] ku guuleysteen koobka kooxaha Aduunka markaas oo ay finalka ku garaaceen kooxda Kashima Antlers ee dalka Japan ayey Real Madrid noqotay kooxda ugu koobabka badan Spain marka laga hadlo koobabka caalamiga ah ee ka baxsan dalka.

Wiilka Ballon d’Or ku guuleystay ee Cristiano Ronaldo ayaa Real Madrid ka saaciday iney garaacaan kooxda reer Japan markii uu sadexley dhaliyay, Los Blancos ayaana haatan hal koob ka sareysa tiro ahaan koobabka caalamiga ah kooxda ay sida ba’an u xifaaltamaan ee Barcelona.

Guushii Club World Cup waxey uga dhigneed in Real Madrid ay guud ahaan taariikhda ku guuleystay 21-koob oo caalami ah, halka Barcelona ay taariikhda ku guulesytay 20-koob oo caalami ah, ogow waa marka la xisaabiyo koobabka ka baxsan Spain.

Qolka koobabka garoonka Estadio Santiago Bernabeu waxaa yaala: 11-koob oo 11 European Cup/Champions League titles, 2-Club World Cups, 3-Intercontinental Cups, 2-UEFA Cups iyo 3-UEFA Super Cups.

Dhanka kale Barcelona oo ku guuleysatay in ka yar kooxda Real Madrid ayaa heshay koobab kala ah: 5-European Cups (4-ka mid ah waxey yimaadeen waqtigii la bixiyay Champions League), 4-European Cup Winners’ Cups, 3-Fairs Cups, 3-Club World Cups iyo 5-UEFA Super Cups.

Fiiro Gaar ah: Lama Xisaabin tartamada Latin Cup Iyo Pequena Copa del Mundo de Clubes kuwaas oo ay kala heystaan (Real Madrid (2), Barcelona (1).

 
error: Content is protected !!