Dardaarankii Ibnu Qayim: Afar Jidhka U Daran, Afar Arsaaqadda Kuu Furta, Afar Kaa Xidha Iyo Afar Wajiga Madoobaysa

Arrimaha Bulshada Dhacdooyinka U Gaar Ah Dumarka U Gaar Ah Raga Wararka 250

Sheekhii Weynaa ee Ibnu Qayim Radiyallaahu Canhu waxa uu yidhi:

Afar Shay Waxa ay xanuun ku keenaan Jidhka Aadamaha waxaanay kala yihiin:

  1. Hadalka badan
  2. Hurdada badan
  3. Cuntada badan
  4. Galmada badan

Sidoo kale waxa uu Ibnu Qayim Yidhi Afar shay oo kalena waxa ay jidhka ku keenaan burbur iyo dhibaato waxaanay kala yihiin:

  1. Hammiga badan
  2. Murugada joogtada ah
  3. Gaajada
  4. Soo Jeedka Habeenimo (Saamallaylka)

Afarna Waxa Ay Wajiga Qofka Ka Dhigaan Mid Nuurku Ka Tago Oo Mugdi Badan Waxaanay Kala Yihiin:

  1. Beenta
  2. Xumaanta oo dhan
  3. Su’aasha badan
  4. Xad-gudubka

Afar Arrimoodna Waxa Ay Wajiga Qofka Ka Dhigaan Mid Nuur Badan Oo Iftiimaya:

  1. Alle Ka Cabsiga Badan (Taqwa)
  2. Ballan Oofinta
  3. Deeqsinimada
  4. Qofnimada Wanaagsan (Sharafta badan)

Afar Arrimood Waxa Ay Qofka U Soo Jiidaan Arsaaqad Waasac Ah:

  1. Salaadda Salaatu-laylka
  2. Dambi dhaafka oo aad badsato niska dambe ee habeenkii
  3. Runta aad sheegto mar walba
  4. Xuska Alle ee maalinta gelinkeeda hore iyo galinkeeda dambe

Afar Arrimoodba Arsaaqadda Ayay Kaa Hor Joogsataa:

  1. Hurdada Subaxdii ee lagu raago (Salaadda Subax Oo Hurdo Kaaga Tagta)
  2. Salaad La’aanta

3 Caajisnimada Badan (Wahsiga)

  1. Khiyaamada

..Wabillaahi Tawfiiq…

 

 
error: Content is protected !!