Meydka Safiirkii Ruushka oo Shalay laga dajiyay Moscow iyo Xaaskii Safiirka oo Oohin La Aamusiin Kari Waayay (Daawo Sawirada)

Wararka 69

Magaalada Moskow ee caasimada dalka Ruushka ayaa laga dejiyay Meydka Safiirkii dowlada Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga oo dhawr Habeen ka hor lagu dilay goob sawiro lagu soo bandhigayay oo kutaala magaalada Ankara.

Dowlada Ruushka ayaa Diyaarad qaas ah ku qaaday Meydka Safiirkooda lagu dilay dalka Turkiga ee Andrei Karlov, waxaa sidoo kale Turkiga laga qaaday xubno qoyska Safiirka kamid ahaa ay ku jireen Hooyadiis iyo Xaaskiisa.

Garoonka Diyaaradaha Vnukovo ee magaalada Modskow waxaa kusoo dhaweeyay Meydka Safiirka Ruushka Masuuliyiin katirsan dowlada dalkaasi uu ku jiro Wasiirka arimaha dibada, waxaa sidoo kale soo dhaweeyay ciidamo katirsan Ruushka.

Xaaskii uu ka dhintay Safiirka Ruushka ee la dilay ayaa ooyin afka jabsatay markii Meydka diyaarada laga dajiyay, waxaa sidoo kale goobtasai ku barooratay hooyada dhashay Safiirka oo iyana la aamusin waayay.

Nin hujbeesan oo katirsanaa booliiska Turkiga ayaa toogasho ku dilay Andrei Karlovm xili uu khudbad ka jeedinayay goob lagu soo bandhigayay sawirada farshaxanka, waxa uuna sheegay ninka dilka geestay in uu u aargudayay ddaka shacabka ah ee lagu leenayo magaalada Xalab ee dalka Siiriya.










 
error: Content is protected !!