Wargeys Caan Ah Oo Madaxweyne Erdogan Ka Sameeyey Sawir Kartoon Daanyeer Ah Iyo Buuq Culus Oo Ka Dhashay

Arrimaha Bulshada Dhacdooyinka Wararka 174

Qaar ka mid ah Saxaafadda waddamada reer Galbeedka ayaa maalmahaan dambe waxa ay aad u saaran yihiin Madaxwaynaha dalka Turkiga Mr. Recep Tayyib Erdogan kuwaas oo ka fidinayay daacayado kala duwan balse ugu dambeeyntii buuq dhaliyay. Saxaafadda Yurub ayaa waxa ay u soo dhigteen Erdogan oo loo aqoonsaday in uu yahay shakhsiyaddii sannadihii ugu dambeeyey ugu saamaynta badnaa xagga hogaaminta dalkiisa Turkigana horumar ballaadhan gaadhsiiyey balse ay taasi u cuntami wayday dad badan oo reer Yurub ah oo aan doonayn in ay arkaan horumarka dalkaasi Turkiga, taasina keentay in bilihii ugu dambeeyey hogaamiyahan muslimka ah ku furay dacaayado badan iyo sawir gacmeeddo laga yaqyaqsoodo.

Wargeyska caanka ah ee Reer Holland (De Telegraaf) ayaa waxa uu soo sawiray ama soo sameeyay Kartoon ka dhan ah Madaxweyne Erdogan kuwaas oo ka soo dhigay una soo ekaysiiyay Daanyeer. Arintan ayaa waxaa ka dhashay buuq fara badan oo u dhaxeeya dalalka Holland iyo Turkiga. Waddanka Holland ayaa ku doodaysa in Saxaafaddu xor tahay balse Turkiga ayaa ku adkaystay inay dacwad ku soo oogaan Jaraa’idka De Telegraaf . Bil ka hor ayay ahayd markii wariye u dhashay dalka Germany una shaqeeya Tv-ga ZDF uu Gabay ku aflagaadeeyay Madaxweeynaha dalka Turkiga Mr. Recep Tayyib Erdogan, taasi oo keentay in uu xumaado xidhiidhkii dalalka Jarmalka iyo Turkigu sidoo kale gudaha Turkiga aad looga dareemay sida ay shacabku uga damqadeen in madaxweynahooda ay jecel yihiin la af lagaadeeyo iyada oo laga leeyahay dano nacayb ah oo xeel dheer. Dacwad ooge ka tirsan xafiiska Ra’iisal Wasaare Erdogan ayaa wargeyska Daanyeerka u ekaysiiyey Madaxweyne Erdogan ay la tiigsan doonaan sharciga oo og in saxaafaddu madax bannaan tahay haddana ay dacwadooda ku salayn doonaan xaqiiqada sawirkaasi oo ah cunsuriyad iyo nacayb si cad loo arki karo.

 

 
error: Content is protected !!