Daacish oo nolosha ku gubtay labo ka mid ah Askarta Turkiga (Sawirro)

Wararka Wararka Dibada 124

Kooxda Daacish ayaa nolosha ku gubtay labo ka mid ah Askarta Turkiga nolosha ku gubtay, kaddib markii ay soo bandhigtay muuqaal argagax leh.

Labada Askari ee muuqaalka ka soo muuqday ayaa lagu qabtay dagaalo ka dhacay gudaha Suuriya oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Turkiga.

Muuqaalka ay kooxda soo bandhigtay waxaa ka muuqanayay labada askari oo laga soo saarayo shabaq bir ah, kaddibna sidii eygi oo kale loo soo kaxeynayo, iyagoo gar-guuranaya.

Labada Askari ayaa lagu gubay meel lama degaan ah oo ka tirsan Suura, iyadoo dhabarka dambe uu kaga imaanayo dab, kaasoo soo saaraya waxyaabo kiimiko iyo shidaal la isku daray oo lagu shubay dhulka illaa katiinadi ay ku xirnaayeen.

Turkiga ayaa gabi ahaanba mamnuucday in la daawado muuqaalkan oo la soo dhigay baraha bulshada, sida Youtube, Facebook iyo Twitter.

Todobaadkii hore Turkiga ayaa markii u horeysay waxaa khasaare xooggan ka soo gaaray dagaal ka dhacay gudaha Suuriya, kaasoo looga dilay 15 askari.

askar-la-gubayoaskar-la-gubayo-2askar-la-gubayo1

Xigasho Jowhar

 
error: Content is protected !!