Masuuliyiinta Ururka Bishacas Oo Soo Kormeeray Mashruuc Hay’addoodu Ka Waddo 24 Degmo Oo Somaliland Ah Oo Ku Saabsan Wacyigalinta Is- badelka Cimilada Iyo Yaraynta Khatarta Aafooyinka

Wararka 66

Hargeysa (TUS) – Masuuliyiinta Hay’adda Bishacas iyo laamaha kala duwan ee Gobolka Maroodi Jeex ayaa Maalintii Doraad ahayd soo kormeeray Deegaano badan oo ay ka mid yihiin Qool-cadey halkaasi oo ay ka wadaan mashruuc bulshada lagu barayo sidii ay uga badbaadi lahaayeen isbedelka cimilada,Iyada oo ay halkaasi siweyn ugu soo dhaweeyeen odayaash iyo wax-aradka dhalinyarada iyo haweenka deegaanka Qool-caday, ugana mahad naqeen madaxda iyo masuuliyiinta ururka Bisha Cas mashruuca waxtarka leh ee ay ka wadaaan deegaanka Qool-caday.

Guddoomiyaha ururka bisha-cas ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cabdi Bakaal ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada mashruuc ay ka wadaan oo ay ka fulinayaan deegaanka Qool-caday waxaanu yidhi “Mashruucani Laan-qayrta cas iyo Bisha Cas ay sida war jirka ah u bilaabeen waxa uu ka mid yahay mashaariicda ay Hay’adani  nala fuliso, mashaariicdana Hay’ada Bisha-cas waxaa ay soo waday 13-sanadood, waana saddex qaybood, qayb ah sidii dhinaca nolosha biyaha ee dadka wax looga qaban lahaa, iyo qayb ah dadka in la baro sidii ay shinida uga faa,iideysan lahaayeen, iyo qaybta saddexaad oo ah sidii dadku u la qabsan lahaa isbedelka cimilada aduunka”.

Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Abaaraha ina hayana waxaa u sababa cimilada, oo roobkii aynu heli jiray ma helo, hadii maanta cimiladu isbedel ku keento wixii awoodada ah ee ay ku badbaadi karaan, markaa bulshada waxaan leeyahay Ilaahina isku xidha oo iska daaya Hayadahan aad daba socotaan”.

Xariir Cabdilaahi Muuse madaxa mashruuca dib u xasilinta bulshada iyo cimilada oo isaguna madashaasi ka hadley ayaa ka waramey isbedelka cimilada waxyaabaha uu dadka dhaxal- siinkaro waxaanu yidhi “Isbedelka cimiladu waxaa uu keenay waxyaabo badan oo isdaba- joogle,sida xanuuno, kuleyl iyo isbedel nololeed,  qofkana noloshiisu sidii ay ahaan jirtay ma ahaaneyso hadii hawadu isbedesho, waxaana laga yaaba dhul biyo lahaan jirey inay biyo la,aani ay ka dhacdo, dadkana waxaan u soo jeedinaya in markasta ay u dhagtaagan saadaasha hawada, iyo dadka waxan aqoonta u leh”.

Guuleed Xasan Cilmi oo ah madaxa wacyigalinta bisha cas ee Somalilland oo isaguna madashaasi ka hadaley ayaa xusay Gobolada mashruucani uu sida fiican uga socdo, waxaanu yidhi  “Waxaanu mashruucan ka fuliney 24 degmo oo lixda Gobol ee Somaliland ku kala filiqsan, Sool, Sanaag, Hargeysa oo Maroodijeexa, Awdal iyo Togdheer, lixdaa Gobol ayuu mashruucani ka socdaa, taaso deegaanka Qool-cadayna ka mid yahay, markaa waxaa loo baahan yahay sidaa wax leydiin galiyay ee tababarada leydinku siinayo ee ururka bisha cas idiinku heelan yahay, idinkana in leydinka helo oo wixii aad weeleysaan, kana faa,iideysan tababaradii leydin siineynayay, Anagu hadii aanu nahay ururka bisha cas mar walba waxaanu heegan ugu jiraa sidii aanu umadayada, caawimo aanu ugu raadin laheyn waajib ayay nagu tahay, xataa hadii ay gaal iyo islaam nala galeyso”.

Guuleed isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas raaciyay “Ilaahay koonkan iyo dhulkan markii uu abuurey, iskamuu abuurin uun, ee waxaa uu dhulkan ku abuurey waxyaabihii nolosha u suuragalin lahaa, oo ay dhirtu ka mid tahay, biyihiiba ka mida, hawadiiba ka mida, waxaasi oo dhamina waa waxyaabaha inoo suuragalinaya nolosheena, , markaa markii aynu inagu dhirtii gumaadno  dee fasahaad ayaynu la nimid, iskadaa wax kale xagii Ilaahaybaynu danbi ka galey markaa waxaa mihiima in qofku ogaado halka laga qaniiney”.

Ururkani isaga oo kaashanaya Laan-qayrta cas ee Jarmalka ayaa mashaarriic la xidhiidha sidii dadku uga badbaadi lahaayeen isbedelka cimilada ka fuliyay degmooyinka iyo deegaanada hoos yimaada lixda gobol ee Somaliland,Waana Mashruucani u horeeyay ee Noociisa Ah Ee Ugu Horeeyay, Lagana Hirgaliyo Somaliland Oo Ay Ka Faa,Ideysanayaan Badi Dadka Degan Degmooyinka Hoos Yimaada Lixda Gobol Ee Somaliland

 

 
error: Content is protected !!