Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Oo Si Adag U Dhaliilay Hab Dhaqanka Xisbiyada Siyaasada Dalka, Sheegayna In Aanay Doorasho Sidan Ku Gali Karin

Wararka 67

Hargeysa (TUS)- Madaxweyne ku xigeenkii Hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa si adag u naqdiyey xaaladda siyaasadeed ee dalku wakhtigan marayo iyo hab dhaqanka axsaabta siyaasadeed ee dalku sida ay tahay wakhtigan isaga oo sheegay in umaddii yaabban tahay oo aanay u cuntami karayn waxan qaabkan ay axsaabtu u dhaqmayaan.

Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland waxaa uu si adag u dhaliilay hab dhaqanka ay hada wadaan xisbiyada dalku isago oo sheegay in aanay sidan wax tartan doorasho ah ku gali karin.

Muj Cabdiraxmaan Aw Cali waxaa uu sheegay in aanay fiicneyn qaabka ay u dhaqmayaan iyo hadalada ay waayahan danbe xisbiyadu saxaafada isku marinayaan isaga oo ku sifeeyey in ay ficiladaasi yahiin qaar sii kala fogeynaaya shacabka Somaliland

“Maalmahan ugu danbeysa haddii aad aragtaan saxaafada iyo xisbiyada tartamaya wax yaabaha ay hawada isku marinayaan wax umada iyo dadka raali galinaaya ma aha, waxaanu leenahay nimanka xisbiyada madaxda ka ah ee doonaya in ay madax dalka iyo dadkan u noqdaan waar nabad galyada ha la ilaaliyo, hufnaanta tartankana ha la ilaaliyo, xisbiyadu si aan qurux badnayn ayaa marka la eego saxaafada qaabka hadda ay u socdaan mid umada raalli galin karaya ma aha ” ayuu yidhi muj Cabdiraxaan Aw Cali Faarax .

 

 
error: Content is protected !!