Sawirro: Dhaarinta Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Federaalka

Wararka 94

Waxaa goor dhow Dugsiga sare ee Tababarka Booliska Gen Kaahiye Ex School Polizio ka bilaabatay Munaasabada dhaarinta Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka iyo kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka 10aad,

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Avv. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa Xildhibaanada labada Aqal dhaarinaya, iyadoo loo dhaarinayo min 30 Xildhibaan, iyadoo gacanta midig saaraya Kitaabka Qur’aanka Kariimka.

Xildhibaanada la dhaarinayo ayaa gaaraya 243 Xildhibaan, kuwaasoo 41 ka mid ah ay yihiin Xildhibaanada Aqalka Sare.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka furay ayaa sheegay in markii u horeysay 47 sano uu xilka la wareegay Baarlamaan ay soo doorteen shacabka Soomaaliyeed.

Jawaari ayaa sheegay in qofka ugu da’da weyn ee Xildhibaanada labada aqal uu noqonayo Guddoomiyaha KMG ee shir-guddoonka heyn doona.

Waxaa la filayaa marka la soo gaba gabeeyo dhaarinta uu si rasmi ah u furmo kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka 10aad, waxaana shir guddoomin doona ninka ugu da’da weyn.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan oo ku yaala magaalada qeybaheeda kala duwan, iyadoo dadka meelaha qaar ay lugeynayeen.

 

dhaarindhaarin1dhaarin4
dhaarin3

Xigasho Jowhar

 
error: Content is protected !!