Xayawaan Uu Labkiisu Uurka Qaado, Iyo Sharraxaada Cilmigu Ka Bixiyey Habka Shaqo Ee Jidhkiisa Oo Mucjiso Ah

Wararka 76

Faras-badeedku waa xayawaan mucjiso ah marka la eego qaabka bayooloji ahaan uu u shaqeeyo, waxyaabaha sida gaarka ah yaabka u sii lehna waxaa ka mid ah in xayawaan badeedkan, kiisa lab uu yahay kan haddana uurka qaada , oo aanay hawshaasi sida xayawaanada kale lagu yaqaano ahayn mid dheddigga faras-badeedku qabta. Sidoo kale xayawaankan labkiisu ma’ laha ilko, dhinaca kalana ugaadhsi iyo quud raadis isagu shaqo kuma laha, balse waxa uu sugaa uun cuntada uu ku arko meel uu isaga oo halkiisa taagan qabsan karo.

Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Jarmalka ayaa baadhitaanno ay muddo dheer ku wadeen arrintan waxa ay ku ogaadeen in habkan abuur ee cajiibka ah ee lagu arkay faras badeedku aanu ahayn mid isaga ku gooni ah, balse ay jiraan xayawaanno kale oo iyagana sidan oo kale uu jidhkoodu qabto shaqooyin la yaab ku ah marka loo eego jinsigooda.

Shabakadda DW oo ah warbaahin ballaadhan oo laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa dhowaan baahisay natiijada cilmibaadhis ay khubaro ku xeeldheer cilmiga nooluhu ku sameeyeen faras-badeedka. Waxa ay xeeldheerayaashu sheegeen in isbeddelken dhinaca Jiinisiga ah ee lagu arko Faras-badeedka oo ah in labku uu uurka qaadaa ay tahay arrin aanu asalka hore u dhalan, balse ku timid isbedello dhinaca hidde-sideyaasha ah oo ku timid duruufo la xidhiidha xaalado soo maray taariikhdii jiritaankiisa.

Xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey oo uu hoggaaminayey cilmibaadhe ku takhasusay cilmiga noolaha oo lagu magacaabo Axel Meyer kana tirsan jaamacadda Constance ee dalka Jarmalka ayaa majaladda Nature ee cilmiga ka faalloota waxa ay ku qoreen in waqti waqtiyada ka mid ahaa duruufo yimid awgeed uu faraskani lumiyey hidde-sidayaashiisii laboodka ahaa, halkoodiina ay soo galeen hidde-sideyaal kale, kuwaas oo aakhirkii wax-ka-beddelay qaabkii faras badeed, hab-dhaqankiisii iyo weliba habkii shaqo ee gebi ahaanba jidhkiisa. Waxa aana ka mid ah in aanu ilko yeelan, iyo weliba in aanu uba baahan oo inta uu qaab-dhismeedka jidhkiisu is beddelay uu yeeshay dhuun uu cuntada ku nuugo.

Sidoo kale isbedellada ku dhacay Faras-badeedka waxaa ka mid ah, in dareenka urtu uu k tegey, laakiin uu xoogaystay dareenkooda araggu, isaga oo leh laba indhood oo wareeggooda iyo dhaqdhaqaaqoodu aanu isku xidhnayn sida noolaha kale, waana ta u suurogelisa in uu mar keliy wada eego xaggiisa hore iyo xaggiisa dambe, labada indhood oo uu midba dhan u jeedinayo awgeed.

Dhinaca dhalmada marka laga hadlayana waxa ay saynisyahannadu caddeeyeen in marka ay isu galmoodaan laba jinsi ee Faras-badeedka uu dhediggu beedkiisa dhex dhigo kiish labk ku jira, kadibna uu labku gudihiisa ku qarxiyo ogxanta, kiishkaas ku jira labka ayaanay ka bilaabantaa bacariminta iyo uur qaadistu, illaa heer ay ogxaantaasi dillaacdo oo uu sidii dhedigga aakhirka dhalo.

Waxaa iyaduna intaas ka sii daran in xayawaankani aanu ugaadhsi tegin, oo aanu biyaha dhex dabbaalan si uu cunto u raadsado, balse dubkiisa uu ku duubto dhirta badda gunteeda ku taalla ama dhagxaanta shacaabiga ah oo uu halkaas ku sugo inta ay ku soo marayaan wax uu ugaadhsado.

Khubaradu waxa ay sheegeen in isbedelkan dhinaca hidde-sideyaasha ee faras-biyoodku ay ku beereen dareen nafsi h oo uu diidayo in xayawaanada kale uu dhex galo, taasina ay tahay sababta uu keli meel u joogo, cuntadana aanu raadsan ee uu sugo inta ay iyadu u imanayso. Awoodda xoogga badan ee dibkiisa ayana u suurtogelisa in uu ku xejisto dhirta iyo dhagaxa si aanay hirarka waaweyn iyo dhaqdhaqaaqa biyuhu u qaadin, waxa kale oo uu leeyahay mucjiso ah in midabkiisa uu bedbedelo oo hadb deegaanka ku xeeran isu ekeysiiyo sida jirjiroolaha, waana hab abuur ah oo uu Alle ugu talogalay in uu iskaga qariyo cadowgiisa.

Xigasho Wargeyska Geeska

 
error: Content is protected !!