Nin Hubeysan Oo Weeraray Xarun Ku Taala Magaalada Istanbul

Wararka Wararka Dibada 101

Saraakiil Turkiga ayaa sheegay in weerarkan oo lagu qaaday xarun lagu caweeyo ay ku dhinteen 35 qof kuna dhaawacmeen 40 kale ka dib markii nin hubeysani uu weeraray xarun lagu caweeyo oo ku taala Magaalada Istanbul.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan hubeysani uu gudaha u galay goobta lagu caweeyo siaga oo ku labisan dharka dabaaldega ciidaha masiixiga. Kadibna uu bilaabay in si arxan daro ah rasaas ugu furo dadki imeesha ku jiray. Goobtan weerarku ka dhacay ayaa la sheegay in boqolaal qof ay ku sugnaayeen xiliga weerarku dhacayay halka qaar ka mid ah dadkaasi ay biyaha badda isku tuureen cabsi daraadeed taasoo qasabtay in lasoo badbaadiyo.

 
error: Content is protected !!