Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa Oo Qaylo Dhaani Ka Soo Yeedhayso, Maxaase Ka Jira In Bukaan Ku Dhintay Oxygine Hab Qaldan Loogu Rikibay Oo La Isku Haysto

Wararka Wargeysyada 124

Qaar ka mid ah Bukaan jiifka Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa ayaa Wargeyska Foore u sheegay in Dakhtarka Weyn ee Magaaladda Hargeysa uu marayo halkii ugu hoosaysay marka loo eego adeeg la’aanta baahsan iyo jahawareerka Dadka bukaanka ah ee Daawo la’aantu ku hayso,Waxaana sidoo kale laga soo sheegayaa dhacdooyin argagax leh oo si isku xig xigta uga dhacay Bilihii u dambeeyay,Taasi oo uu ka dhashay Buuq iyo faham la’aan dhex martay masuuliyiinta Cisbitaalka iyo Ehelada dadka bunkaanka ah ee Daawada u soo doonta.

Axmed Cali Cabdi oo ka mid ah Ehelada Bukaanku kaga jiro Dakhtarka Weyn oo Wariye Wargeyska Foore ka tirsan la kulmay ayaa dhacdo foolxun uga waramay,Waxa uu sheegay in Dhawaan uu buuq ka dhashay Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa kadib markii uu ku geeriyooday Qof bukaan ah oo lagu dabiibayay kaasi oo la sheegay inuu u dhintay Oxygine si qaldan loo siiyay,waxa uu sheegay in ninkaasi eheladiisu ay baadhis ku sameeyeen Bukaankaasi islamarkaana Dhakhaatiir kale oo ka hawlgasha Cisbitaalada gaarka loo leeyay oo takhasus ahi u sheegtay in bukaankaasi u dhintay sababo la xidhiidha Oxygine-ta oo qaab qaldan loo Siiyay ,Waxaanay taasi keentay in eheladaasi ay dacwad ka furtaan maxkamadaha iyagoo ku andacooday in sababta uu bukaankoodu u dhintay ay Masuuliyadeeda leeyihiin Maamulka Cisbitaalku.
Warar kale ayaa sheegaya in Todobaadkan gudihiisa uu bukaan kale oo ku dhintay Cisbitaalka Hargeysa la isku haysto kadib sida la sheegay markii uu u geeriyooday Arimo la sheegay inay la xidhiidho Oxygine-ta Naqaska oo sida la sheegay si qaldan loogu rikibay,Waxaanay Wararku sheegayaan in Cisbitaalka Weyn maalmihii u dambeeyay ay hadheeyeen arimo la xidhiidha labadaasi bukaanka oo qaab isku mid ah ugu geeriyooday Cisbitaalka. Kan dambe ayaa la sheegay in isaga oo nool la ogaaday inay Waxyeelo u gaysatay Oxygine-tu Islamarkaana waxa ay eheladiisa u qaadeen Cisbitaalada Gaarka loo leeyay,halkaasi oo markii dambe uu u geeriyooday. Dhakhaatiirtii waa weyn iyo Shaqaalihii takhasuska ahaa ee ka hawlgali jiray Cisbitaalka ayaa uga yaacay mushahar yaraan waxaana Hadda Cisbitaalka ka jirta Xaalad Adag oo u baahan in loo gurmado lana soo celiyo haybadkii uu lahaa Cisbitaal Dawladeed.

Hay’addo badan oo gacansaar la lahaa Cisbtaalka ayaa sanaddadii u dambeeyay joojiyay gargaarkii ay u fidinayeen, kadib sida la sheegay markii ay ku kalsoonaan waayeen Masuuliyiinta Wasaaradda, Islamarkaana ay waayeen Masuul adag oo ay kala xisaabtamaan.

Xigasho Wargeyska Foore

 
error: Content is protected !!