Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii Labaad Loo Kordhinayo Iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Soo Bandhigaya Warbixin Ay Ka Soo Ururiyeen Goboladda Dalka Oo Meesha Ka Saaraysa Inay Doorasho Wakhtigeedii Ku Dhacdo

Wararka 80

Hargeysa (TUS) – Illo-Wareedyo Madax Banaan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday inay miiska saaran tahay oo ay diyaar tahay Mudo Kordhintii Labaad ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa loo samanayaa,Waxaanay Wararku sheegayaan inay Mudo kordhintani ka timid duruufaha Adag ee Abaareed ee ku Habsaday Gobolo iyo Deegaano badan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida ayaa dhawaan shaaciyay in warbixin loo soo gudbiyay islamarkaana ay mudo kordhin samanayaan ka hor Inaanay bishani koowaad dhamaan.

Warar Xog Ogaal ah oo Wargeyskaf Foore helay ayaa tilmaamay in Komishan Doorashooyinku bishii u dambaysay ku Mashquulsanaayeen Daraasad ay ku soo samaynayeen Nolosha Deegaano badan oo bariga iyo Galbeedka Somaliland ka tirsan,kuwaasi oo ay qaarkood taabatay abaar baahsan oo kala firdhisay dadkii deegaamadaasi kuwada  noolaa ee ubadnaa Waliba Xoolo dhaqatada ah, Waxaana la sheegay inay warbixintaasi dhawaan u soo bandhigayaan Xisbiyada Siyaasada iyo Goleyaasha Qaranka si looga shidaal qaato,islamarkaana looga Naaqishoodo. Warar hor dhac ah oo aanu ka helnay Warbixintaasi ayaa daaha ka rogay in Warbixintaasi meesha ka saarayso in Doorashadii Madaxtooyadda ee loo balansanaa inay saddex Bilood ka dib dalka qabsoonto.Waxaanay Wararka aanu helnay sheegayaan inay Warbixintaasi xambaarsan tahay dhacdooyin xaqiiqo ah oo ay Komishanku ugu soo kuurgaleen Suurtgalnimada in Goboladaasi wakhtigan iyo Wakhti dhaw toona doorasho ka dhacdo,ama kaadhadhkii Lafta ahaa ee Codaynta laga Bixin karin.

Xogtan ayaa intaa ku dartay in Warbixintan ay Komishan u direen Gudi farsamo oo iyaga ka kooban,kuwaasi oo qaab cilmiyaysan u soo daraasadeeyey Deegaano hore looga Muujiyay Qaylo dhaan abaareed,Waxaanay soo ogaadeen in Guud ahaan deegaamadaasi dadkii ku noolaa ay ka hayaameen islamarkaana ay cidlo yihiin oo aan wax hawl ah laga qaban karin. Waxa mudooyinkii u dambeeyay aad loo hadal hayay in Abaarta dalka ka jirtaa keeni karto in Mar labaad Doorashadii Madaxtooyadu dib uga dhacdo Wakhtigii Loo qoondeeyay waxaana hadda muuqata inay Madaxweyne Siilanayo Iyo Xukuumaddiisu ay Mar saddexaad Nasiib u heleen in Muddo Kordhin loo sameeyo,taasi oo ka timid Abaarta dalka ka taagan oo saamayn ku yeelatay dadkii shacabka ahaa ee Doorashooyinka doorka weyn ku lahaa.

Warar Hor dhac ah oo aanu helnay ayaa shaaca ka qaaday in Korodhsiimada hadda miiska saarani ay u dhexayso Lix Bilood illaa sanad,Waxaanay xogaha aanu helaynaa ay tilmaamayaan in Todobaadada soo socda loo gudbinayo Goleyaasha Baarlamaanka si ay qalinka ugu duugaan,ugan Ciyaaraan Doorka Sharci ee ay ku leeyihiin Arintaasi. Lama garanayo saamaynta siyaasadeed ee ay keeni karto,Waloow,Daneeyayaasha Somaliland,Waliba kuwa ka caawiya Doorashooyinka hore uga digeen doorashada oo Wakhtigeeda mar labaad dib uga dhacdo. Sidoo kale Xildhibaan Gacan Oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida oo Dhawaan Warbaahinta la hadlay ayaa iftiimiyay in Doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacayso oo ay Bishan aan ku jirnaa intaanay dhamaan ay soo saarayaan Mudo kordhinta waxaana uu yidhi”Bishan aynu ku jirno dhamaadkeeda ayaanu waxii lanoo soo gudbiyo ka hadleynaa waayo dastuurka ayaa waxuu leeyahay bil horteed baa la kordhin karaa,doorashada waxaa loo qoondeeyey bisha saddexaad ee sanadkan markaas bil horteed oo ku beegan bisha koowaad dhamaadkeeda ayaa loo baahan yahay in aanu ku dhawaaqno “Ayuu yidhi xildhibaanku

Xigasho: Wargeyska FOORE

 
error: Content is protected !!