Wasiirkii U Horeeyey Ee Madaxweyne Siilaanyo Magacaabo Ee Muddo Bil Ka Badan Bilaa Xafiis Ah, Iyo Xogo Tibaaxay Inaanu Wali Hayn Xaalad Uu Hal Ku Qabsado

Wararka 54

Hargeysa (TUS) – Wasiirka Wasaaradda dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Khadar Xaaj Yuusuf oo uu Madaxweyne Siilaanyo Isku shaandhayntii u dambaysay u magacaabay Wasaaradaasi ayaan Wali Nasiib u helin Xafiis uu ku shaqeeyo,Maadaama oo aanay Wasaaradaasi hore u jirin,oo aanay lahayn Xafiisyo u gaar ah,waxaanu wali gaaf Wareegayaa Huteelada Magaaladda Hargeysa,iyadoo warar kale ay sheegayaan inaanay Soconin qorshe Wasiirkaasi Xafiis loogu raadinayo.
Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore helay ayaa tibaax inaanay Madaxtooyadu wali meelayn Wasiirkaasi oo illaa hadda Magacaaban mudo Bil kor u dhaafaysa,iyadoo ay jiraan balan qaadyo loo sameeyay wakhtigii loo magacaabay Wasaaradaasi oo lagula heshiiyay in Xafiis loo diyaarinayo bilawga Bisha Koowaad ee Sanadkan Cubub ee 2017-ka oo durba maraysa Shan Maalin,Waxaana sida la sheegay Wasiirkaasi Durba soo food saartay wal wal hore leh oo uu kaga shagi qabo inay Madaxtooyadu ilawdayba,kadib markii uu waayay dhaq dhaqaaq dhinaca Fulinta ka socda oo lagu ambo Qaadayo balan qaadkii loo sameeyay, waxaanay arintiisu ku soo beegantay Wakhti Dawladu iskaga jirto Mashquul badan oo dhinacyo badan khuseeya taasi oo suurta galinaysa,islamarkaana Meesha ka saaraysa Xafiis loo sameeyo.
Shaqaalihii Wasaaradaasi iyo Dadkii kale ee danaynayay ayaa iyaguna dhinacooda ka raadcaynaya Qaabkii xafiis ay ku heli lahaayeen Wasiirkooda. Qaar ka mid Hal abuuradda Wasaaraddaasi ku xidhnaa ayaa Wargeyska Foore u sheegay inaanay arag Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee loo soo magacaabay islamarkaana aanu wali helin xafiis uu ku sii shaqeeyo. Waxa kale oo ay noo sheegeen in Madaxtooyaddu Albaabada ka xidhatay Wasiirka oo aanay Wakhtigan diyaar  u ahayn inay arintaasi Wax ka qabato oo ay Xafiis u samaysay,Waxaanu sidoo kale noo sheegay in Xiitaa loo diiday inuu Wasiirku madaxtooyada galo,si uu dabada uga soo riixo hirgalinta Xafiis loo dhiso Wasaaradiisa. Wasiir Khadar ayaa inta badan lagu arkaa Huteeladda Waa weyn ee Magaaladda Hargeysa,isagoo ka shaahaynaya,Waxaana uu ka dhursugayaa inay Madaxtooyaddo fuliso Go’aano ay isla meel dhigeen Wakhtigii uu saluugay Wasaaradda Loo magacaabay iyo arimo kale oo loo raaciyay. Warar kale ayaa sheegaya in Wasiir Khadar sugayo in mar qudha loo fuliyo Arimihii ay isla meel dhigeen isaga iyo Madaxtooyaddu.

 
error: Content is protected !!