Maraykanka oo liiska argagaxisada ku daray wiil uu dhalay Cusmaan Binu Laadin

Wararka 129

Dowlada Maraykanka ayaa shaacisay in Hamza bin Laden oo ah wiil uu dhalay Osama bin Laden lagu daray liiska caalamka ee argagixisada.

Tallaabadan waxay ka hor istaagi doontaa inuu ganacsi la sameeyo shirkadaha Maraykanka ama uu guri ku yeesho Maraykanka.

Hamza, oo hadda da’diisu dhowr iyo labaatan jir tahay ayaa loo magacaabay inuu ka tirsan yahay al-Qaeda in 2015, waxaana loo arkaa inuu badalo aabihiis.

Wuxuu ku baaqay marar badan in weerar lagu qaado magaalo madaxyada waddamada reer galbeedka.
Wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanaka ayaa sheegtay inay caalamka u sheegayso in Hamza bin-Laden uu qayb ka yahay argagixisada.


 
error: Content is protected !!