Doon Dekeda Berbera Ka Qaaday 600 Neef Oo Ku Shufbeeshay Bad Weynta Hindiya, Magaca Doonta Iyo Ganacsadaha Lahaa Iyo Tirada Dadka Saarnaa

Wararka 88

Berbera (TUS – Doon Dekeda Berbera ka qaaday 600 oo Neef tiro gaadhaysa oo xoolo ah ayaa ku shuf beeshay Bad weynta Hindiya,Waxaanay wararku sheegayaan in dadkii Doontaasi gubatay saarnaa ay bad baadisay doon kale oo iyana Xoolo ka qaaday isla Dekeda Berbera ee Somaliland oo ay isdaba socdeen doonta gubatay.

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore ka helay Ganacsato ka tirsan Kuwa Xoolaha ka dhoofiya Somaliland oo ku sugan Magaaladda Berbera ayaa noo xaqiijiyay inay doontaasi Doraad Berbera ka qaaday 600 oo Neef oo Dibi ah oo u rarnaa Ganacsato Soomaali ah ,islamarkaana ay ku socotay Dalka Cumaan,waxaana ay sheegeen in Doontaasi iskeed u gubatay markay marayso Bad Weynta Hindiya halkaasi oo ay ku shufbeeleen dhamaan xoolihii saarnaa iyo agabkii kale,balse waxa ay wararku sheegayaan in shaqaalihii saarnaa Doontaasi oo tiradooda lagu sheegay illaa 10 Shaqaale ah ay badbaadisay oo ay raaceen doon kale oo iyadana Berbera Adhi ka qaaday oo ay isdaba socdeen waxaana dadkaasi la geeyay Dalka Cumaan.

Doonta Gubatay ayaa magaceeda lanoogu sheegay Al-Xamdi waxaana sida la sheegay Doonta lahaa Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mukhtar Shanle oo reer Boosaaso ah, waxaanay ka mid ahayd Weelka ama doonyaha Xoolaha ka qaada Dekeda Berbera ee iskaga kala goosha Somaliland iyo wadamada Carabta ah ee Xoolaha Somaliland loo iib geeyo. Maaha markii u horaysay ee ay Doon xoolo ka qaaday Marsada Berbera ku gadoonto Bad Weynta Hindiya balse Dhawr jeer oo hore ayay sidan oo kale dhacday,Waxaana inta badan dhacda in Dadka la badbaadiyo basle aan la badbaadin Xoolaha,iyadoo ay adagta in Xoolaha lagu dhex baadiyo  Meelaha ay ka mid ka tahay badweynta hore ee biyaha Caalamiga ah.

Xigasho: Wargeyska Foore

 

 
error: Content is protected !!