Kooxda Alshabaab Oo Ciidamo Dirays Gaar Ah Iyo Tababarro Gaar Wata Kusoo Ban Dhigtay Soomaaliya + Sawiro

Wararka 77

Degaanka Kuunyo-barrow oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ee dalka Soomaaliya ayaa xoogaga Al-Shabaab waxay ku soo bandhigeen ciidan ka mid ah kuwa loo yaqaanno xisbada ama Booliska kuwaasi oo si aan hore loo arag ugu labbisnaa ciidamo gaar ah oo madaw ah iyo cimaamado cadcad iyo waliba kabo isku wada eg oo buudh ah.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabeellaha hoose Shiikh Abuu Usaama ayaa sheegay ciidamadaan ay wax ka qaban doonaan arrimo ku saabsan anshax xumida iyo dembiyada kale.

Waxyaabaha ay dabagalka ku sameyn doonaan ayuu sheegay Shiikh Abuu Usama iney ka mid yihiin dadka mobilada ku qaata aflaanta xun xun iyo wixii soo raaca.

Ciidankan oo watay dareys gaar ah ayuu sheegay ineysan wax dhibaato ah u geysan doonin bulshada ayna si wanaagsan ula macaamili doonaan shacabka degmadaas.





 
error: Content is protected !!