Nin Haweenaydiisii Hore Madaxa Ka Toogtay Daqiiqado Kooban Kadibna Isagii Is Dilay Iyo Walaaca Ka Dhashay + Sababta Uu Dilkan U Gaystay

Wararka 84

Pretoria (TUS)- Waxaa dhawaan magaalada Pretoria ee Caasimada dalka South Africa ka dhacday dhacdo argagax badan ku beertay Soomaalida kunool magaaladaasi kadib markii nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Xasan Macalin Maxamuud uu madaxa ka toogtay xaas ay hore u wada jireen balse ay wakhtigaasi kala tageen oo lagu magacaabo Deeqa Maxamuud Yuusuf kaasi oo kadib markii uu dilay isna daqiiqado kadib qudha iska jaray oo is dilay.

Falkan Argagaxa leh ayaa ka dhacay guri ku yaalla magaalada Pretoria iyada oo guud ahaan dalkaasi Koonfur Afrika maalintaasi uu fasax ahaa oo aanay jirin wax dhaqdhaqaaq ahi maadaama ay u dabbaal dagayeen sannadka cusub ee Miilaadiga waxaana dhacday in Xasan Macalin Maxamuud oo la sheegay in uu ahaa mid ay haweenaydan hore u qabi jiray uu rasaas ku dilay haweenaydii Deeqa Maxamuud Yuusuf oo geerideeda kadib uu isna isla baastooladii uu ku dilay uu isna isku dilay.  Booliska magaalada Pretoria ayaa sheegay in ay ninkan maydkiisa ka soo dul qaadeen gurigii uu xaaskiisa hore ku dilay kaasoo kadib markii uu haweenaydaasi dilay inta uu guriga xagga sare ka fuulay saqafka halkaasi isku dilay oo ay ka soo dul qaadeen isaga oo mayd ah wakhti ay dadka xaafaddaasi ka ag dhawaa ee Soomaalida iyo dadka kaleba ahi ay aad ugu soo ururiyeen gurigii uu ninkani haweenayda ku khaarajiyey isna isku dilay markii dambe.

Haweenay ay walaalo yihiin gabadhan dilka loo gaystay oo geerida walaasheed uga timid waddanka Norway ayaa warbaahinta u sheegtay in ay walaasheed ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkaasi Soomaaliya muddona ku noolayd dalkaasi Koonfur Afrika nikan dilka u gaystayna uu ahaa ninkeedii hore. Warbaahinta ayaa sheegtay in sababta dilkan loo malaynayo arrimo la xidhiidha hinaase iyo wax la mid ah iyada oo aan si rasmi ah loo ogayn sababta uu ninkani dilka u gaystay iyo sababta uu markii dambe isaga laftiisu qudha isaga jaray taasi oo dadkii Soomaalida ahaa ee dalkaasi ku noolaa ku noqotay arrin ay illaa maanta la argagaxsan yihiin.

 

 
error: Content is protected !!